(Liverpool) 18 Feb 2019. Xidiga khadka dhexe kooxda Liverpool ee Naby Keïta ayaa xaqiijiyay inuu si wanaagsan u garanayo sida uu ula ciyaari lahaa kooxda Bayern Munich kulanka ay ku wada ciyaari doonaan garoonka Anfield.
Bayern Munich ayaa marti ku noqon doonta garoonka Anfield habeen dambe ee Talaadada ah, si ay u wada ciyaaraan kulankooda lugta koowaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League.
Naby Keïta ayaa u soo ciyaaray kooxda reer Germany ee RB Leipzig, taasoo siisay in uu khibrad badan ka heysto horyaalka Bundesliga, islamarkaana uu si wanaagsan u garanayo qaabka lala ciyaaro kooxda Bayern.
Hadaba 24 jirka reer Guinea ayaa kahor kulanka labadan kooxood wada ciyaarayan u sheegay saxaafada:
“Ma ihi khabiirka kaliya ay quseyso arrintan, sidoo kale waxaan heysanaa ciyaaryahankii hore kooxda Bayern Munich waana Xherdan Shaqiri”.
“Dhab ahaantii xitaa macalinkeena Jürgen Klopp wuxuu garanayaa wax walba ee iyaga ku saabsan, laakiin Haa, waan ogahay awoodda Bayern iyo sida aan ula ciyaari lahaa iyaga”.
“Waxaan u imid kooxda Liverpool si aan ugu guuleysto koobab, dhank horyaalka waan ku fiicanahay, sidoo kale, waxaana fursad u heysanaa Champions League”.
“Waxaan si adag kaga shaqeeneynaa sida aan ugu guuleysan lahayn mid ka mid ah koobabkan, si aan ugu farxino jamaahiirteena dhamaadka xili ciyaareedkan”.
Dhinaca kale Liverpool ayaa Axada soo aadan kulan adag ee horyaalka Premier League kula ciyaari doonto garoonkeeda Anfield kooxda Manchester United.
Gool FM.