Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Ma dareemeyno maqnaanshiyaha Virgil van Dijk” – Alisson Becker

$
0
0

(Liverpool) 18 Feb 2019. Goolhayaha reer Brazil Alisson Becker ayaa xaqiijiyay in Liverpool aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin maqnaanshiyaha adeega difaaca reer Netherland Virgil van Dijk, kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonaan kooxda Bayern Munich lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League.

Virgil van Dijk ayaa ku qaatay laba jeer kaarka digniinta ah kulamadii heerka group-yada ee tartanka Champions League, wuxuuna kaarkii ugu dambeeyay ku qaatay kulankii Napoli ee ahaa kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka group-yada, Reds ayaana adeegiisa waayi doonta kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Bayern.

Inkastoo uu yahay Virgil van Dijk, difaaca ugu fiican Liverpool, hadana Alisson Becker ayaa aaminsan in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin maqnaanshiyihiisa kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan kooxda Bayern Munich.

“Dhamaan difaacyada way wada ciyaarayaan xiligan, marka hadii uu mid ka mid ah baxo, ama uusan ciyaarin, ma dareemeyno maqnaanshihiisa”.

“Dhamaanteen waxaan caadeysanay inaan si wada jir ah u ciyaarno, qeyb kasta ee ka mid ah qeybta gadaale waa mid aad u xiran, tani waxay lagama maarmaan u tahay guusha koox kasta”.

“Marka koox kastaa ay ku kalsoonaato qeybteeda dambe ee difaaca, waxay heleysaa kuwo qaba kalsooni buuxda”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles