Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Capello oo wareysi uu bixiyay kaga careysiiyay Bayern Munich, kahor kulanka caawa ee Liverpool

$
0
0

(Yurub) 19 Feb 2019. Tababaraha reer Talyaani ee Fabio Capello ayaa aaminsan in Bayern Munich aysan ahayn mid ka mid ah hogaamiyaasha kubada cagta Yurub ee xilligan la joogo, sida ay horey u ahayd oo kale.

Hadalka Fabio Capello ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka adag ee lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League ay caawa labada kooxood Liverpool iyo Bayern Munich ku wada ciyaari doonaan garoonka Anfield.

Yeelkadeed, Capello ayaa wareysi uu bixiyay kahor ciyaartan wuxuu ku sheegay:

“Waxaan daawaday kooxda Bayern Munich kulamada ay ka ciyaartay xili ciyaareedkan, waxay lumiyeen qaab ciyaareedkoodii fiicnaa, waxay u ciyaarayaan si caajis ah, waxay lumiyeen awoodooda ciyaareed ee lagu yaqiinay”.

“Waa inaad u dagaalantaa si adag, Bayern Munich waxaa haatan ka maqan dabeecadda iyo awooda ay kaga adkaan lahayd kooxda ka soo horjeeda”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles