Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Henderson oo sharad ku galay in kooxdiisa Liverpool ay ku guuleysan karto Premier League iyo Champions League

$
0
0

(Champ’ League) 19 Feb 2019. Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay ku guuleysato Champions League iyo Premier League xilli ciyaareedkan.

Jordan Henderson ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka caawa ka dhici doono garoonka Anfield wuxuu kaga hadlay arimo quseeya kooxdiisa Reds.

“Kulan kasta waxaan ku ciyaareynaa xuduudiisa, kulanka Bayern Munich waa ciyaarteena ugu weyn ee xilli ciyaareedka”.

“Ma ahan inaan kala doorbideyno tartamada aan qeybta ka nahay, laakiin waxaan u maleynayaa inaan heysano liis ku filan ee aan ugu dagaalami karno labada tartan”.

“Waxaan rajeenayaa in dhamaadka xili ciyaareedka aan ku guuleysan doono mid ka mid ah labadan tartan marka ay ugu yar tahay, waaba hadii aanan ku guuleysan doonin labadooduba”.

Intaas kadib kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa wuxuu ka hadlay maqnaanshiyaha Virgil van Dijk ee kulanka caawa wuxuuna yiri:

“Dabcan, maqnaanshihiisa waxay nagu leedahay saameyn, waxaadna arki kartaa saameynta ay nagu leedahay isaga la’aantiis”.

“Laakiin waxaan qabaa inaan haysano awood macquul ah ee aan ku dabooli karno booska uu ka maqan yahay, qof kasta ee fursad u hela kulankan ayaa la ogaan doonaa doorkiisa”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles