Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Qof walba wuxuu filanayaa hoos u dhaca qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo, laakiin……”

$
0
0

(Yurub) 14 Marso 2019. Tababaraha kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa qeyb ka noqday shaqsiyaadka ka hadlay saddexleydii uu ka dhaliyay xidiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo Atletico Madrid, kulnkii lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Bianconeri ayaa guul kaga gaartay kooxda reer Spain ee Atletico Madrid 3 gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo taasoo u suuragalisay in Juventus ay u gudubto wareega siddeeda ee tartanka Champions League.

Image result for ancelotti and ronaldo

Carlo Ancelotti ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah “Sky Sports” wuxuu kaga hadlay saddexleyda mucjisada ahayd ee Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid.

“Qof walba wuxuu filanayaa in hoos u dhac uu ku yimaado qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo, laakiin taasi marnaba ma dhici doonto”.

“Cristiano kulamada noocan oo kale marna ma lumo, wuxuu ka sameeyaa isbadal”.

“Waxaa jira xidigo waaweyn ee ku dhiban kulamada muhiimka ah, balse isaga wuu ka dhex muuqdaa, taasi waa farqiga u dhexeeya ciyaaryahan weyn iyo geesi weyn ee sida isaga oo kale ah”.

“Atletico Madrid ma ahan koox si fudud looga hortagi karo, gaar ahaan wareegyada isreeb reebka, balse Juventus waxay soo bandhigtay, qaab ciyaareed heer sare ah, iyadoo loo marayo ciyaaryahan cajiib ah”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles