Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Messi oo ammaan ugu qubeeyay Ronaldo kaddib Saddexleydii uu habeen hore ka kacay

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2019. Lionel Messi ayaa ammaan ugu qubeeyay xiddiga ay xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo kaddib saddexleydii uu habeen hore u dhaliyay Juventus si ay ugu soo gudbaan wareega sideed dhammaadka Champions League.

Xiddiga reer Argentina ayaa qudhiisa dhigay wacdaro aan innaba caadi ahayn ciyaartii ay xalay shanta gool  uga adkaadeen Lyon oo wuxuu dhaliyay labo gool isagoona caawiyay labo kale.

Yeeleede, Messi oo ciyaarta kaddib wax laga waydiiyay Ronaldo ayaa yiri.

 Lionel Messi admits he was blown away by the performance of his old foe on Tuesday

“Waa wax Cajiib ah wixii ay sameeyeen Cristiano Ronaldo iyo Juventus.

“Waxaan aaminsanaa in Atletico ay xoog badnaan doonto, laakiin Juventus ayaa ka adkaatay, Ronaldo-na waxay u ahayd habeen qurux badan oo uu dhaliyay saddex gool.”.

Messi oo ka hadlaya isku aadka ayaa yiri:

“Kooxaha oo dhan waa kuwa adag.

“Tusaale ahaan Ajax, waxay muujiyeen inay yihiin koox da’yar oo cajiib ah oo aan cidna ka cabsaneyn.

“Way adkaan doontaa koox kasta oo aad wajahdo.

“Waa inaan nafsadeena u diyaarinaa tartan adag.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles