(Yurub) 28 Maarso 2019. Goolhaayihii hore reer Netherland ee Edwin van der Sar ayaa xaqiijiyay in kooxda Ajex ay awood u leedahay inay kaga guuleysato Juventus wareega siddeeda ee tartanka Champions League.
Edwin van der Sar oo horey u soo xirtay maaliyadaha kooxaha Ajax iyo Juventus, sidoo kale kaga soo garab ciyaaray Cristiano Ronaldo muddo afar sano ah kooxda Manchester United, ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in Ajax ay garaaci karto Bianconeri, kadib markii ay Real Madrid kaga soo adkaadeen wareega 16-ka.
Halyeeyga reer Holand ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “SportMediaset” ayaa wuxuu kaga hadlay kulanka la wada sugayo ay kooxaha Juventus iyo Ajex ku wada ciyaari doonaan wareega siddeeda ee tartanka Champions League.
“Wuxuu noqon doonaa kulan xiiso badan ee ka dhan ah kooxda Juventus, waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqono wareega siddeed dhamaadka, waxaan qaab ciyaareed fiican ku hor sameenay kooxda Real Madrid, waxaana markale rajeeneynaa inaan ku hor sameyno kulanka Juventus, kooxda waxay qabtaa kalsooni aad u weyn”.
“Waxay garaaci karaan Juventus, waxaan heysanaa koox da’ayar ah, ee aan qeyb kaga soo dhignay xidigo khibrad sare leh, sida Daley Blind,waxaan weli ku jirnaa Champions League, waana garaaci karnaa Juventus kadib markii aan garaacnay Real Madrid, , taasoo nasiisay kalsooni weyn”.
“Si wanaagsan ayaan u garanayaa Cristiano Ronaldo, afar sano ayaan kasoo garab ciyaaray, waan ogahay sida uu u xoogan yahay jir ahaan iyo maskax ahaanba, balse waxaan sameyn doonaa sida ugu fiican waana u diyaar garoobi doonaa, sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu guul gaaro isla markaana uu u gudbo wareega xiga”.
Gool FM.