Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Cristiano Ronaldo oo u duulay Magaalada Barcelona… (Muxuu yahay u jeedka safarkiisa?)

$
0
0

(Barcelona) 29 Maarso 2019. Dhaliyaha kooxda kubadda cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa u duulay Magaalada Barcelona ee dalka Spain si halkaasi loogu soo daweeyo.

34-sano jirkaan horay ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid ayaa ku wajahan xarunta caafimaadka Corachan Clinic ee Magaalada Barcelona si uu halkaas daaweyn fiican ugu soo qaato.

Xaruntaan caafimaadka ee Corachan Clinic ayey horay u tageen xiddigo kubadda cagta oo ku soo helay daweyn wanaagsan.

Ronaldo ayaa la bedelay daqiiqadii 28-aad kulan ay xulkiisa Portugal la ciyaarayeen Serbia kana tirsanaa isreeb-reebka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020 kaddib markii uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah.

Waxa uu rajeynayaa kabtanka xulka qaranka Portugal inuu garoomada dib ugu soo laabto kulanka kooxdiisa ay u martinayso 10 bisha April naadiga reer Holland ee Ajax ciyaartaasoo ah lugta hore ee siddeed dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

CR7 ayaa saddexleey u saxiixay Juventus kulankii Atletico waxaana uu u soo saaray kooxdiisa siddeed dhammaadka Champions League, taasoo muujinaysa sida uu laacibkan muhiim ugu yahay kooxda xafidanaysa horyaalka Serie A ee Juve.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles