(Yurub) 13 Abriil 2019. Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa falaqeeyay kulankii lugta koowaad ee wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League ay kooxda Manchester United guuldarada 1-0 kala kulantay Barcelona, kaasoo ka dhacay garoonka Old Trafford habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay.
Jose Mourinho ayaa si weyn u dhaleeceyay qaab ciyaareedka kooxda reer Catalonia ee Barcelona kulankii lasoo dhaafay ay ku booqdeen Manchester United garoonka Old Trafford, sida uu ku waramayo wargeyska “Mirror” ee dalka England.
Mourinho oo ka hadlayay qaab ciyaareedkii kooxda Barcelona ee kulankii lasoo dhaafay ayaa wuxuu yiri:
“Barcelona ma aysan ahayn Barcelona-dii aanu naqiinay kulankii Manchester United”.
“Manchester United waxay heysatay ciyaaryahan khadka dhexe ee mas’uul ka ahaa joojinta halista kooxda Barcelona waana Scott McTominay, ma jirto cid uu ka baqanayay inta ay ciyaarta socotay, waa ciyaaryahan aad u xoogan”.
Gool FM.