Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Guardiola oo jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay Gündoğan, kadib guuldaradii Tottenham Hotspur

$
0
0

(England) 13 Abriil 2019. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray xidigiisa khadka dhexe ee reer Germany İlkay Gündoğan.

İlkay Gündoğan ayaa kadib guuldaradii 1-0 ahayd ee kaga soo gaartay kulankii Tottenham ee wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League wareysi uu bixiyay waxaana ku qancin macalinka reer Spain.

Gündoğan ayaa ciyaarta kadib wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee Sky Sports wuxuu ku sheegay:

“Waxay ahayd inaan u ciyaarno si geesinimo ah ee nagu filan inta ay ciyaarta socotay, waxaan sameynay qalad badan”.

“Waxaan dareemayaa inaan ka walwalno marka aan ciyaareyno kulamada muhiimka ah ee Champions League, marwalba waxaan go’aano khalad ah ku sameynaa kulamadaas, xitaa hadii aan u baahanahay inaan gaarno waxyaabo gaar ah”.

Laakiin Pep Guardiola oo ka jawaab celinayay hadalka İlkay Gündoğan ayaa wuxuu yiri:

“Waxaad awoodaa inaad sheegto waxa aad dooneyso, balse kuguma raacsani, waxaan jeclahay marka ay ciyaartoyda ka hadlayaan waxay ku fikirayaan iyo waxa ay aaminsan yihiin”.

“Tani waxay igu dhacday dhowr jeer ee horey xirfadeyda ciyaareed, waxaa jirtay kulamo qaar ee aan u guuldareysanay sababa la xiriira xakameyn la’aanta ciyaarta”.

“Kulankii aan la ciyaarnay Tottenham wuxuu ahaa mid ka fiican qaabkii aan kula ciyaarnay Schalke wareega 16-aad, balse farqiga jira ayaa wuxuu yahay in Leroy Sané uu dhaliyay gool qurux badan kulankas, halka kulankii Spurs aan iska qasaarinay rigoore”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles