Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher oo talo muhiim ah u jeediyay tababare Klopp, kahor kulanka caawa ee Porto

$
0
0

(Yurub) 17 Abriil 2019. Halyeeyga kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa talo muhiim ah u jeediyay macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp, kahor kulanka ay caawa Porto kula ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Kooxaha Liverpool iyo Porto ayaa caawa ku balansan inay fooda isku daraan kulankooda lugta labaad wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League.

Lugta koowaad ee lagu ciyaaray garoonka Anfield ayaa ku soo idlaaday 2-0 ay guusha ku raacday kooxda Liverpool, Reds ayaa ku dhow inay u soo baxaan, wareega xiga ee afar dhamaadka.

Laakiin halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in wali kulankan aan la go’aaminin, isla markaana Klopp uu ku ciyaaro shaxdiisa ugu fiican.

“Waxaan rajeynayaa in Liverpool ay u soo baxdo wareega xiga ee afar dhamaadka, laakiin 2-0 wali ma ahan natiijo lagu kalsoonaan karo, mana awoodo Klopp inuu isbadal ku sameeyo shaxda rasmiga ah ee kooxda”.

“Waa inaad ku ciyaartaa shaxda ugu xoogan, hadii ay Liverpool guul ku gaari lahayd 3 ama 4 gool kulankii ka dhacay garoonka Anfield, waxaa macquul ahayd inuu ku fikiro Klopp inuu nasiino u diro 2 ama 3 ciyaaryahan”.

“Laakiin waxay ku xiran tahay Klopp hadii uu shaxda ugu xoogan u adeegsan doono iyo hadii kale kulanka Porto, kadib waxaa jiri doonta nasasho badan ee ku filan ilaa iyo kulankooda soo socda ay kula ciyaari doonaan kooxda Cardiff horyaalka Premier League”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles