Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Valverde oo ka hadlay sirta ka dambeysa dabaaldagii xalay ee Coutinho, kadib goolkii cajiibka ahaa uu ka dhaliyay Man United

$
0
0

(Yurub) 17 Abriil 2019. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guushii 3-0 ahayd ay kaga gaareen Manchester United kulankii lugta labaad wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League.

Ernesto Valverde ayaa la hadlay saxaafada kadib marka ay soo idlaatay ciyaartii xalay ka dhacday garoonka Cump Nou waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan soo bandhignay kulan weyn, inkastoo bilawga ciyaarta aan la kulanay dhibaatooyin”.

“5-tii daqiiqo ugu horeysay ee ciyaarta, xaalada aad ayay noogu adkeyd, balse wixii ka dambeeyay waxaan xakameenayay ilaa iyo dhamaadka ciyaarta”.

Intaas kadib Ernesto Valverde ayaa wuxuu bilaabay inuu ka hadlo Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Messi mar walba wuxuu ka muuqda kulamada noocaan oo kale, mana ahan wakhti cayiman, wuxuu leeyahay tayo sare ee gooldhalineed”.

Sidoo kale macalinka reer Spain ayaa wax laga weydiiyay dabaal dagii uu xalay sameeyay Philippe Coutinho wuxuuna yiri:

“Ma aanan daawanin, mana aqaano waxa uu kala jeeday, laakiin waxaan ku riyaaqay goolka”.

“In Philippe Coutinho uu si joogta ah u dhaliyo goolal, waa arin aan macquul ahayn, dhamaanteen waxaa nahay bini’aadam, waana inaan ku noolaanaa aduunkan aynu dul joogno”.

Ugu dambeyn Valverde ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray kooxda soo aadan ay kula ciyaari doonaan wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League wuxuuna yiri.

“Kani waa tartanka Champions League, natiijada kulanka soo aadan ee dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Porto ma ahan mid la go’aamin karo, Reds waa kooxda ugu cad cad inay soo baxdo, balse waan arki doonaa waxa dhaca”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles