Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

HALIS: Roberto Firmino oo shaki weyn la galinayo ka qeyb galkiisa kulanka Barcelona

$
0
0

(Yurub) 27 Abriil 2019. Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa shaki ku jira inuu qeyb ka noqon doono kulanka luggta hore ee wreega afar dhamaadka Champions League ay ku booqan doonaan Barcelona garoonka Camp Nou.

Roberto Firmino ayaa seegay kulankii xalay ay kooxdiisa Liverpool guusha weyn kaga gaartay Huddersfield, mid ka mid ah kulamada 36-aad ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Jürgen Klopp ayaa ku qasbanaaday in badalka Roberto Firmino uu keensado Daniel Sturridge kulankii xalay ay la ciyaareen kooxda Huddersfield, wuxuuna ku cadeeyay wareysi uu ku bixinayay shabakada “Sky Sports” ee dalka England, in ciyaaryahanka reer Brazil uu qabo dhaawac dhanka muruqa ah.

Waxaa Shaki weyn la galinayaa in weeraryahanka reer Brazil uu diyaar u noqon karo inuu wajaho Barcelona kadib shan maalmood, waxayna maqnaanshiyihiisa ku noqon doontaa kooxda Liverpool iyo macalinkooda Jürgen Klopp dharbaaxo xoogan, kaddib markii uu ku guuleystay in xili ciyaareedkan uu u dhaliyo 16 gool.

Si walbaba waxaa lagu ogaaday shaxda kooxda Liverpool ee kulankii xalay ee Huddersfield in uu markale dib u soo fariistay Alex Oxlade-Chamberlain kursiga keydka, kaddib mudo sanad ah uu garoomada kaga maqnaa dhaawac halis ah ee kasoo gaaray dhanka Jilibka kulankii Roma ee Champions League.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles