(Yurub) 27 Abriil 2019. Kabtanka koooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii 5-0 ahayd ay xalay kaga gaareen Huddersfield, kulan ka tirsanaa kulamada 36-aad ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.
Jordan Henderson ayaa ciyaarta kaddib wareysi uu ku bixiyay BBC-da wuxuuku sheegay:
“Wuxuu ahaa bandhig aad u fiican, waxaan kulanka kaga bilaabanay si cajiib ah, waxaan dhalinay gool qurux badan, waxaan sidoo kale ilaashanay shabaqeena, sidaas darteed wuxuu ahaa habeen wanaagsan”.
Intaas kaddib Henderson ayaa ka hadlay dib u soo laabashada Alex Oxlade-Chamberlain, kaddib mudo sanad ah uu garoomada kaga maqnaa dhaawac dhanka jilibka ah.
“Waxaan dareemayaa farxad ku saabsan Alex Oxlade-Chamberlain, wuxuu u shaqeeyay si adag si uu markale dib ugu soo laabto garoomada, wuxuu u muuqday sida qof aan dhaawac ku maqneyn oo kale, si wanaagsan ayuu kaga soo muuqday tababarka, waxaanse kasii jeclaan lahaa inuu gool u badalo fursadii ugu horeysay uu helay”.
“Laakiin dhamaanteen waan ku faraxsanahay soo laabashada Alex Oxlade-Chamberlain, sababtoo ah waa ciyaaryahan muhiim ah”.
Ugu dambeyn Kabtanka koooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ka hadlay kulanka ay Arbacada ku booqan doonaan kooxda Barcelona garoonka Cump Nou wuxuuna yiri:
“Waxaan rajeyneynaa inaan hormar ka sameyno safarkeena Barcelona, waa meel ay adag tahay in la aado, balse waxaan heysanaa kalsooni weyn, waana rajeyneynaa inaan muujino, inaan shaqo fiican qaban karno”.
Gool FM.