Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Sidee ayey u muuqanaysaa SHAXDA ay garoonka ku soo geli doonto kooxda Barcelona kulanka caawa ee Liverpool?

$
0
0

(Liverpool) 07 Maajo 2019. Waxaa la shaaciyey sida ay u muuqan karto shaxda ay kooxda kubadda cagta Barcelona ku soo geli doonto kulanka caawa ay ka horjeedaan Naadiga Liverpool.

Kooxda Barca ayaa caawa booqanaysa garoonkeeda Anfield iyadoo halkaas kula ciyaari doonta naadiga reer England ee Liverpool lugta labaad ee afar dhammaadka tartanka Champions League.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa faa’iido weyn haysata kulankan kaddib markii ay 3-0 guul ah garoonkeeda Camp Nou kaga soo gaartay Reds lugtii hore ee afar dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub.

Barcelona waxaa kaliya ka maqan kulankan caawa Ousmane Dembele oo dhaawac muruqa ah qaba iyo Rafinha oo jilibka ka dhaawacan.

Shabakadda Sports Mole ayaa soo bandhigtay shaxda ay kooxda Barcelona ku soo geli karto kulanka caawa, macallin Ernesto Valverde ayaana safkiisa weerarka ku soo wada bilaabay Messi, Suarez iyo Coutinho.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay u muuqanayso shaxda macallin Ernesto Valverde ee kooxda Liverpool:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles