Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

SAWIRRO: Kooxda Barcelona oo tababar ku sameynaysa Anfield ka hor kulankeeda caawa ee Liverpool

$
0
0

(Liverpool) 07 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa tababar ku sameynaysa garoonka Anfield ka hor kulankooda caawa ay la leeyihiin naadiga Liverpool ee Champions League.

Kooxda reer Spain ayaa marti u ah Liverpool lugta labaad ee afar dhammaadka tartanka Champions League, kulankaas oo caawa ka dhici doona garoonka Anfield.

Kooxda Barcelona ayaa faa’iido weyn haysata kulankan kaddib markii ay 3-0 guul ah garoonkeeda Camp Nou kaga soo gaartay Reds lugtii hore ee afar dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub.

Xiddigaha Barcelona ayaa tababar ku sameeyey garoonka ay caawa kula dheeli doonaan Reds ee Anfield, Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaana cadaadis la’aan ku dheeli kara caawa maadaama ay faa’iido u haystaan saddex gool oo ay ku soo adkaadeen lugtii hore.

Suarez iyo Coutinho ayaa ka soo muuqday tababarkan, iyagoo dib ugu soo laabtay garoonka kooxdoodii hore ee Liverpool, Anfield oo ay muddo ku ciyaareen si weynna ay u garayaan.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles