(Liverpool) 07 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield ku marti gelinaysa naadiga Barcelona kulan ka tirsan Champions League.
Kooxda reer Spain ayaa booqanaysa Liverpool lugta labaad ee afar dhammaadka tartanka Champions League, kulankaas oo ka dhici doona garoonka Anfield.
Waxaa kulankan is wajihi doona laacibka ugu fiican adduunka ee Lionel Messi iyo laacibka ugu fiican sanadka horyaalka Premier League ee Virgil Van Dijk oo ka kala tirsan labada kooxood.
Kooxda Barcelona ayaa faa’iido weyn haysata kulankan kaddib markii ay 3-0 guul ah garoonkeeda Camp Nou kaga soo gaartay Reds lugtii hore ee afar dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub.
Reds waxaa kulankan ka maqnaan doona labadeeda weeraryahan ee muhiimka ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino maadaama ay dhaawacan yihiin.
Haddaba Shabakadda ciyaaraha ee Sporsmole ayaa shax isku dhaf ah ka sameeyay kooxaha Barcelona iyo Liverpool ka hor kulankooda caawa ee Champions League.
Kooxda reer Spain ee Barca ayaa shaxdan ku yeelatay lix ciyaaryahan, halka naadiga reer England ee Liverpool ay ku leedahay shan xiddig.
EEG SHAXDA:-
Gool FM.