(London) 19 Okt 2016. Arsenal waxa ay soo dhaweyn doontaa Ludogorets iyada oo isha ku haysa in ay kaalinta kowaad uga hor marto PSG.
WARARKA LABADA NAADI
– David Ospina waxa uu dib ugu soo laaban doonaa laba qori dhexdooda.
– Granit Xhaka waxaa kaarka cas looga saaray kulankii Swansea City laakiin ganaaxaas lama tegi doono Champions League laakiin waxaa booska gashaan hor jooga uga hor mari kara Francis Coquelin.
– Olivier Giroud kama soo muuqan saddexddii kulan ee ugu dambeeyey ee Gunners walina waxa uu la daalaa dhacayaa xanuun suulka ah.
– Aaron Ramsey walow uu tababbarka buuxa ku soo laabtay hadana diyaar uma aha ciyaaridda kulankiisii kowaad.
– Danny Welbeck, Carl Jenkinson iyo Per Mertesacker dhamaan dhaawacy ayey uga maqan yihiin dhinaca Arsene Wenger.
RAAD RAAC
-Arsene Wenger waxa uu kooxdiisa ugu baaqay in aysan is dhigan
-Arsenal wey badisay lixdii kulan ee ugu dambeeyey,; Ludugoretes iyada 7badii kulan ee ugu dambeeyey ee ay socdaasho.
-Gunners waxa ay guul darro la kulantay toddobo ka mida 16kii kulan ee ugu dambeeyey tartankan oo ay Emirates ku ciyaarto.
SAFAFKA LA FILI KARO
Arsenal: Ospina; Bellerín, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Cazorla; Walcott, Özil, Iwobi; Sánchez.
Ludogorets: Stoyanov; Minev, Moți, Palomino, Natanael; Dyakov, Anicet; Misidjan, Marcelinho, Wanderson, Cafú.
Gegia: Emirates
Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm
Dhex dhexaadiyaha: Artur Dias (Portugal)
Gool FM.