Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Guardiola oo aan garanayn qaabka kooxdiisu ay u joojin karto Messi kulanka caawa

$
0
0

Image result for Guardiola and Messi

(Manchester) 19 Okt 2016 Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa si cad u sheegay inuusan garanayn qaabka kooxdiisu ay ku celin karto Lionel Messi.

Guardiola ayaa sheegay in ciyaartoydiisa ay ku adagtahay inay celiyaan qatarta Messi 90-daqiiqo isaga oo sidoo kale walwal ka muujiyay weerarka MSN.

45 jirka reer Spain ayaa intaa ku daray in kulanka caawa uu tijaabo dhab ah u yahay kooxdiisa oo aan wax guul ah gaarin 3-dii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan.

Image result for Guardiola and Messi

“Ma garanayo tilmaamaha ka caawin kara ciyaartoydayda inay joojiyaan qatarta Messi, waayo 90-daqiiqo waa waqti dheer” ayuu yiri Tababare Pep.

“Barcelona waxay haysataa weerar yahano heer sare ah, uma baahna fursado badan si ay goolal u dhaliyaan, kulanka Barcelona wuxuu tijaabo dhab ah u yahay ilaa heerka uu gaaray hormarkeena, waayo waxaan doonayaa inaan si dhaqso ah ku ogaado awooda kooxda”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles