Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Sadio Mané oo niyadjab ku riday kooxda Real Madrid

$
0
0

(England) 29 Maajo 2019. Laacibka reer Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané ayaa ka hadlay waxyaabo badan ee ku saabsan kulanka finalka Champions League ay kula ciyaari doonaan Tottenham Hotspur sabtida soo aadan.

Dhinaca kale Sadio Mané ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool ee xiliyada soo aadan, iyo wararka loola xiriirinayo naadiga reer Spain ee Real Madrid.

Sadio Mané ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu si weyn ugu faraxsan yahay joogitaankiisa kooxda Liverpool, isagoo intaas raaciyay in Reds ay tahay waxa ugu muhiimsan isaga ahaan xiligan la joogo, isla markaana uusan ku fikirin daqiiqad inuu ka tago garoonka Anfield.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu daabacay wareysi uu Sadio Mané kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Aniga ahaan, waxa ugu muhiimsan haatan waa Liverpool, waan ku faraxsanahay halkan”.

“Sidoo kale in leyla xiriiriyo ku biirista kooxo sida Real Madrid oo kale ah. waa wax i farxad galinaya, laakiin ha iloobin Liverpool, kooxo waaweyn ayaan ka soo guuleysanay, waana ku faraxsanahay halkan”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles