(Yurub) 29 Maajo 2019. Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay sida uu u arko in qaar ka mid ah xiddigihiisa ay isku diyaariyaan finalka Champions League iyagoo sooman.
Xidigaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa maalmahan qeyb ka ahaa tababarka ay Liverpool isugu diyaarineyso finalka tartanka Champions League, iyagoo gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan maadaama ay heystaan diinta Islaamka.
Tababare Jürgen Klopp waxa uu sheegay inuusan wax dhubaato ah ku qabin ciyaartoydiisa muslimiinta ah iyagoo sooman inay ka qeyb qaataan tababarka kooxda Liverpool, isla markaana uu tixgalinayo diintooda islaamka.
Macalinka Reds waxa uu sidoo xusay in xiddigaha Mane iyo Saalax ay ku soo biiraan mararka qaar iyagoo ku sugan qolka labiska, maadaama ay soo oogayaan salaadooda, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay jiraan waxyaabo badan ee ka muhiimsan kubadda cagta.
Hadaba Jürgen Klopp oo arintaas ka hadlaya wuxuu yiri:
“Wax dhibaato ah kuma qabo ciyaartoydeyda sooman”.
“Anigu waan tix–galinayaa diintooda markastana waxay ahaayeen kuwo cajiib ah hadii ay sooman yihiin iyo hadii kaleba”.
“Waxaa jira maalmo Maxamed Saalah iyo Sadio Mané ay waqti dambe yimaadaan qolka dhar badalashada, maaxaayeelay salaad ayeey soo dukanayeen”.
“Waxaa jira waxyaabo badan oo aad uga muhiimsan kubadda cagta”.
Kooxaha Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa Sabtida soo aadan ku wada dheeli doona finalka Champions League magaalada Madrid, waxaana la fahansan yahay in xiddiga reer Masar ee Saalax iyo midka reer Senegal ee Mane ay ciyaari doonaan iyagoo sooman.
Gool FM.