(Yurub) 02 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Ludogorets oo ay marti u ahayd kulan ka tirsan guruubka A ee Koobka horyaallada Yurub, waxaana dhanka kale ay Paris Saint Germain guul ka gaartay isla guruubkan kooxda Basel oo kaarka cas laga qaatay.
Arsenal ayaa goolasha looga horreeyey kulankan, waxaana goolka hore looga naxsaday 12’daqiiqo kaddib markii kubbad laad xor ahayd oo uu soo qaaday Wanderson uu lug ku dhamaystiray Jonathan Cafu, kaasoo kulanka ka dhigay 1-0 lagu hoggaaminayey Gunners.
Dhaliyaha goolka koowaad ee kulankan Jonathan Cafu ayaa caawiye ka ahaa goolka labaad ee Arsenal laga dhaliyey kulankan, waxaana kubbad uu dhinac kala soo xarooday uu u dhigay Claudiu Keseru, kaasoo 15’daqiiqo shabaqa ku hubsaday, waxaana uu kulanka ka dhigay 2-0 looga gacan sarreeyey wiilasha Arsene Wenger, 15-ka daqiiqo ee ugu horreeya ciyaarta ayaana Gunners lagu hoggaamiyey 2-0.
Kooxda Arsenal ayaa hal goolka iska soo guday inta aan la aadin qeybta nasashada, waxaana kubbad u muuqatay inay diilinta ka baxday soo karoosay Mesut Ozil, waxaana 20’daqiiqo shabaqa ku hubsaday Granit Xhaka.
Arsenal ayaa goolka barbaraha la timid inta aan la aadin qeybta nasashada, waxaana madax ugu dhaliyey Olivier Giroud, kaddib karoos hagaagsan oo uu ka helay Aaron Ramsey, sidaas ayaana lagu kala nastay ciyaarta oo ah barbaro 2-2.
Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay dhammaadkii ciyaarta 88’daqiiqo Mesut Ozil ayaa goolhayaha Ludogorets inta banaanka uga soo tagay, labo difaac oo kale oo ka tirsan Ludogorets dhulka dhigay ka dhaliyey goolka guusha ee kulankan, Arsenal ayaana 2-3 guul soo laabasho ah ku dhaaftay kooxda Ludogorets oo ay booqatay.
Dhinaca kale kulan ka tirsan isla guruubka A waxaa wada ciyaaray kooxaha Basel iyo Paris Saint Germain, kooxda martida ahayd ee PSG ayaana ku adkaatay 2-1.
PSG oo marti ahayd ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey 43’daqiiqo Blaise Matuidi, laakiin Basel ayaa 76’daqiiqo waxaa u barbareeyey Luca Zuffi, inkastoo kaarka cas uu ka qaatay kooxda Basel xiddigooda Serey Die markii ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah.
Kooxda PSG ayaana goolka guusha ay ku qaadatay waxaa dhammaadkii ciyaarta Thomas Meunier, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 lagu dardaray Basel oo kaarka guduudan loo taagay.
Kooxaha Arsenal iyo Paris Saint Germain oo wada leh min 10-dhibcood ayaana u soo baxay wareegga 16-ka Champions League.
Guruubka A ee Champions League sidan ayaa loo kala sarreeyaa:-
SAWIRRO:
SAWIRRO: Paris Saint Germain iyo Basel:
Gool FM.