Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Virgil van Dijk oo doortay xiddiga u qalma abaalmarinta Ballon d’Or – macquulse ma tahay inuu isaga ku guuleysto?

$
0
0

(Madrid) 02 June 2019. Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa kooxdiisa kula guuleystay koobka UEFA Champions League kadib markii ay 2-0 ku dileen kooxda Tottenham Hotspur, durbana waxaa timid hadal heyn ku saabsan cidda u qalanta abaalmarinta Ballon d’Or.

Daafacaan reer Holland oo ilaa hadda heysta rikoor ah inuusan jirin difaac gees u dhaafay 64 kulan uu kooxdiisa u saftay dhamaan tartamada oo dhan ayaa qiraya in Lionel Messi uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or isla markaana yahay xiddiga ugu fiican dunida kubadda cagta.

Van Dijk wuxuu kooxdiisa ka caawiyay iney hanato markii 6-aad koobka horyaalada yurub, sidoo kalana ay shabaqa ka difaacdaan Spurs, in badan oo dadyowga kubadda cagta ah ayaana qiraya in xiddigaan uu isaga u qalmo in la siiyo abaalmarinta uu xiddig walba ku riyoodo.

UEFA ayaa xiddigaan ku abaalmarisay xiddigii ugu fiicnaa kulankii xalay maadaama uu saddex kubad oo joog sare ah ku guuleystay, shan jeer uu kubadda gooshiisa kasoo saaray, sidoo kalana uu hal kubad xiddigaha Spurs ka ka dhex galay.

Thomas Schaaf oo ka mid ahaa hawlwadeenada farsamada ee UEFA u joogay Madrid ayaa qiray in Virgil van Dijk uu leeyahay awood hogaamiye, isla markaana uu yahay kii ugu fiicnaa Reds.

“Waxey ila tahay in Messi yahay xiddiga ugu fiican dunida, isaga ayey tahay inuu hanto Ballon d’Or, aniga taas kama fakaraayo, hadii aan ku guuleysato waan qaadanayaa, Messi wey tahay inuu hanto sidey ila tahay, waa kan ugu wanaagsan dunida hadii uu final tago iyo hadii uusan tagin” sidaas waxaa yiri Virgil van Dijk waxaana twitter-ka kusoo qoray madaxa qorayaasha kubadda cagta shabakadda Independent Miguel Delaney.

Si kastaba hadal heyntu waxey tahay in Van Dijk hanan doono abaalmarinada kubadda cagta sanadkaan maadaama uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, sidoo kalana Messi iyo Ronaldo ayaan heerar wanaagsan gaarin, waana sanadkii labaad oo xiriir ah oo aysan ku guuleysan hadii laga weeciyo.

GOOL FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles