(Yurub) 02 June 2019. Laacibka reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa ka hadlay in kooxdiisa Liverpool ay ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Champions League, iyo inuu dhaliyay gool ka mid ah labadii gool ay guusha kaga gaareen Tottenham.
Maxamed Saalax ayaa kooxdiisa haatan ee Liverpool kula guuleestay koobkiisii ugu horeeyay, waana markii 6-aad taariikhda ay kooxda Reds ku guuleysato tartankan, waxayna ka dhigeysaa inay ka mid noqdaan kooxaha ugu badan ee koobka tartankan ku guuleysta.
Hadaba wiilka reer Masar ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysanay Champions League, waa riyadeyda tan iyo intii aan ahaa 7 ama 8 jir, waa dareen aad u weyn”.
Intaas kaddib Saalax ayaa wuxuu ka hadlay arinta ku aadan inuu yahay xiddigii saddexaad ee carab ah ee ku guuleysata tartankan xiisaha badan ee Champions League wuxuuna yiri:
“Waxaan rajeenayaa inaan noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay carab ah ee ku guuleysta Champions League laba jeer ee isku xigta, waxaan soo qaadanay xili ciyaareed adag ee aad u dheer, balse ugu dambeyntii waxaan ku guuleysanay koobka tartankan”.
Waxaa xusid mudan in Maxamed Saalax uu yahay ciyaaryahankii ugu horeeyay carbeed ee laba xili ciyaareed isku xigta gaara finalka Champions League, balse wuxuu ku fashilmay inuu tartankan ku guuleysto xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, taasoo ka dhigi lahayd xiligan in laba jeer xiriir ah uu ku guuleysto.
Gool FM.