(Yurub) 02 Juunyo 2019. Xiddiga Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa fariin digniin ah u diray kooxda ay ku dagaalamaan horyaalka Premier League ee Manchester City, kaddib markii ay Reds xalay ku guuleysatay Champions League.
Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Maxamed Saalax, kaddib markii ay ku guuleysateen xalay tartanka Champions League waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan horyaalka Premier League kaga dhameysanay anagoo hal dhibac ka danbeeyna Manchester City, waxay ahayd arin niyadjab ah”.
“Sidaas darteed waxay ahaan lahayd wax aad u adag hadii aan la kulmi lahayn guuldaro finalka Champions League, waxaana arkaa in tani ay inoo tahay bilow oo kaliya”.
“Ujeedkeena xili ciyaareedka soo socda wuxuu noqon doonaa ku guuleysiga horyaalka Premier League”.
“Sanadkii hore waxaa si adag ugu dagaalanay ku guuleysiga Champions League, kii kasii horeeyayna Europa League, sidaasi darteed kooxdu si joogto ah ayay horumar u sameeneysaa”.
“Manchester City waxay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkan, weyna u qalmeen, laakiin waxaan awoodi doonaa loolanka wixii xiligan ka dambeeya”.
“Waxaan u maleynayaa inay tahay waayo-aragnimo aad u weyn inaan ku guuleysanay Champions League xiligan, taas ayaana ka caawin doonta kooxda inay horay u sii socoto”.
Gool FM.