(Yurub) 02 Juunyo 2019. Ciyaartoyda kooxda Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay dalka England, waxayna jamaahiirta kula dabaal dageen wadooyinka Merseyside-ka iyo magaalada Liverpool koobka tartanka Champions League.
Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay dalka England iyagoo ah geesiyaasha yurub, kaddib markii ay kaga soo guuleysteen tartanka Champions League kooxda Tottenham Hotspur 2-0 ay u kala dhaliyeen xiddigaha Maxamed Saalax iyo Divock Origi.
Liverpool uu hogaaminayo tababare Jürgen Klopp ayaa waxay gacanta ku dhigeen koobkii lixaad taariikhda ee Reds, kaddib markii ay ka maqnaayeen ku guuleysiga tartankan mudo dhan 14 sano ah, iyadoo markii ugu dambeysay ay ku guuleystaan ay ahayd sanadkii 2005-tii.
Ciyaartoyda Liverpool oo sare u haya koobka Dhagaweyne ee Champions League ayaa kula wareegay bas kor ka furan waddooyinka magaalada, iyadoo ay ku hareereysnaayeen kumanaan taageerayaasha kooxda ah, kuwaasoo si aan la rumeysan karin ee cajiib ah u soo buux dhaafiyay goobta dabaal dega.
Hadaba Daawo Dabaal Dega Kooxda Liverpool Ee Wadooyinka Magaalada:
Gool FM.