Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Xiriirka UEFA oo ku dhawaaqay 20-ka ciyaaryahan ee xili ciyaareedkan ugu fiincaa Champions League

$
0
0

(Yurub) 02 Juunyo 2019. Koobka horyaalada yurub ee Champions League ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain, xiriirka UEFA ayaana haatan ku dhawaaqay 20-ka xiddig ee ugu fiicnaa xili ciyaareedkan.

Kulankii xalay ka dhacay garoonka Atlético Madrid ee Wanda Metropolitano ayaa ku soo dhamaaday 2-0 ay ku adkaatay kooxda Liverpool, guushaas ay Reds ka gaartay Tottenham Hotspur ayaa ka dhigtay inay markeedii 6-aad ku guuleysato koobka horyaalada Yurub.

Kormeerayaasha farsamada ee UEFA ayaa doortay 20-ka ciyaaryahan ee xili ciyaareedkan 2018-2019 ugu fiicnaa tartanka Champions League.

Kooxda koobkan hanatay ee Liverpool ayaa shaxdan ku yeelatay 6 ciyaaryahan, halka guud ahaan kooxaha Premier League ay ku yeesheen 11 xiddig.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles