Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Hadda ayuu ka qoomameynayaa” – Madaxweynaha Liverpool oo weeraray Philippe Coutinho

$
0
0

(England) 03 Juunyo 2019. Madaxweynaha Liverpool ee Tom Werner ayaan qarinin carada uu wali u qabo xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho, kaasoo ku qasbay kooxda inay fasaxaan sanad iyo bar kahor, isagoo ugu biiray Barcelona qiimo dhan 120 milyan euro.

Tom Werner ayaa kaga faa’ideystay ka hadlida Philippe Coutinho kaddib markii ay Sabtidii ku guuleysteen tartanka Champions League, si uu u xasuusto waxa uu sameeyay Philippe Coutinho, isagoo sheegay inuu haatan ka shalaaynayo, kaddib markii uu ku fashilmay garoonka Cump Nou xili ciyaareedka dhawaan lasoo xiray.

Liverpool ayaa kaga cirib tirtay kooxda Barcelona wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ku garaaceen 4-0 kulankii lugta labaad, xili kulankii lugta hore Reds ay guuldaro 3-0 kala soo laabatay garoonka Cump Nou.

Hadaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Liverpool ee Tom Werner waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Coutinho wuxuu doonayay inuu u ciyaaro midkood labada kooxood waaweyn ee dalka Spain, waxaan isku dayeynay inaan ku qancino in kooxdu ay si sax ah u socoto, isla markaana aan heli karno habeen aad u weyn ee Champions League ah hadii uu sii joogo Liverpool, laakiin waxa uu go’aansaday inuu baxo, lagayaabee in xiligan uu ka qoomameynayo”.

Yeelkadeeda, Philippe Coutinho ayaa ku guuldareystay inuu hantiyo quluubta taageerayaasha kooxda Barcelona iyo saxaafada inta lagu jiray xilli ciyaareedka dhawaan soo idlaaday, kaddib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed xun oo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xun ee kooxda, hadii uusan ahayn kan ugu xun.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles