(England) 05 Juunyo 2019. Xiddiga reer Senegal iyo Liverpool ee Sadio Mané ayaa sheegay in kooxdiisa ay u sameyn doonto wax walba si ay ugu guuleysato koobab badan.
Reds ayaa ku guuleysatay tartanka Champions League xilli ciyaareedkaan, kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen Tottenham Hotspur, kulankii Sabtida ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano magaalada Madrid ee caasimada Spain.
Liverpool ayaa qaadatay xili ciyaareed cajiib ah 2018/2019, waxay si adag ugu dagaalameen ku guuleysiga horyaalka Premier League, kaddib markii ay ku guuleysatay Manchester City, balse waxay ugu dambeyntii awoodeen inay gacanta ku dhigaan koobka Champions League.
Hadaba laacibka reer Senegal ee Sadio Mané ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada rasmiga ah ee Livepool wuxuuna yiri:
“Waxay aheyd wado dheer, lakiin waan wada shaqeynay”.
“Ma aheyn wax fudud, laakiin taasi waa sababta dadka ay u jecel yihiin kubada cagta, waan ku faraxsanahay inaan ku guuleysano Champions League, riyada haatan waa ay rumoowday”.
“Anigu ma sharrixi karo sida uu u wanaagsanaa Alisson Becker, waxaan arkayay isagoo sameenaya badbaadinta kubado aan la rumeysan karin, aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kooxdeena qeyb ka yahay, wuxuu naga dhigaa kuwo fiican, aniga ahaan waa kan ugu fiican adduunka”.
“Waxaan heysanaa waxyaabo badan oo mustaqbalka ah, waxaan sameyn doonaa sida ugu fiican ee aan ugu guuleysan karno koobab badan inagoo ka kooban kooxda haatan”.
Gool FM.