Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Maxamed Saalax oo fariin u diray warbaahinta qaar iyo taageerayaashiisa

$
0
0

(England) 05 Juunyo 2019. Ciyaaryahanka reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa fariin u diray qaar ka mid ah suxufiyiinta iyo taageerayaasha.

Maxamed Saalax iyo saaxiibadiis kooxda Liverpool ayaa waxay qaateen xili ciyaareed cajiib ah, kaddib markii ay Sabtidii ku guuleysteen tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Saalax ayaa fariin qoraal ah uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku sheegay:

“Saxafiyiintu waxay na gaarsiiyeen heer aan gurigena kaso bixi weyno si an u tukano salaaaada ciida. tani mahan ixtiraam iyo jaceyl ay noo qabaaan ee waa ixtiraaam daro”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in Maxamed Saalax uu ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool ku guuleysiga koobka Champions League xilli ciyaareedkaan, kaddib markii ay ka qaadeen Tottenham Hotspur kulankii finalka ee ka dhacay magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles