(Yurub) 05 Juunyo 2019. Xiriirka kubbada cagta yurub ee (UEFA) ayaa ku dhawaaqay goolkii ugu fiicnaa ee tartanka Champions League ee 2018/2019, kaasoo lagu doortay kaddib codeyn uu sameeyay website-ka rasmiga ah ee UEFA.
Booqashayaasha website-ka rasmiga ah ee UEFA ayaa u doortay goolkii labaad uu Lionel Messi kaga dhaliyay kooxda Liverpool kulankii lugta hore ee wareega afar dhamaadka inuu yahay goolkii ugu fiicnaa tartanka Champions League ee xili ciyaareedka 2018/2019.
Messi wuxuu kaga dhaliyay goolkan kooxda Reds kulankii xiisaha badnaa ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Cump Nou, kaasoo ku soo idlaatay 3-0 ay guusha ku gaartay Barcelona.
Goolka Lionel Messi ayaa loo cadeeyay inuu yahay kan ugu fiican, kaddib markii ay si adag ay u tartameen Cristiano Ronaldo goolkii uu ka dhaliyay kooxda Manchester United, sidoo kale Arjen Robben goolkiisii kooxda Anderlecht iyo laacibka reer Croatia ee Ivan Rakitić goolkii uu ka dhaliyay Tottenham.
Waxaa xusid mudan in goolka Lionel Messi ay u codeeyeen taageerayasha, halka UEFA ay u codeeyeen in goolkii uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay kooxda Manchester United inuu yahay kii ugu quruxda badnaa.
Gool FM.