(Madrid) 06 June 2019. Gabadhii ka yaabsatay dunida ee kusoo dhex oroday garoonka final-kii Champions League bilowgii bishaan (Kinsey Wolanski) ayaa la kulantay ganaaxyo dheeraad ah.
Kulankii u dhaxeeyay kooxaha Liverpool iyo Tottenham kana dhacay garoonka Wanda Metrapolitano ayey qalalaase ka dhex abuurtay kadib markii ay garoonka soo gashay iyadoo aan asturneyn, sidoo kalana xayeysiin u sameyneysa website uu leeyahay saaxiibkeeda ahna nin ku shaqeysta barta bulshada youtube Vitaly Zdorovetskiy.
Wolanski muddo ayey u xirneed booliska ka hor inta aan lasii deynin, shabakadda Marca ayaana ku warrameysa in 22-jirtaan ay la kulmeyso ganaax dheeraad ah oo dhanka anshaxa la xiriir, waxaana garka loo galiyay ganaax lacageed oo dhan 15,000 kun Yuuro.
Sida warbixinta lagu qoray 5,000 kun Yuuro ganaax ah waxey kaga timid UEFA, halka booliska ay ganaaxeen 10,000 kun Yuuro – waxeyna booliska ku eedeeyeen iney xayeysiin aan sharci aheyn sameysay.
Si kastaba ganaaxa waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid aad u hooseeya marka laga hadlo iney xayeysiintaas ay sameysay keentay faa’iido dhan 3 Malyan oo Pound in ka badan oo daqli ah, kaas oo kasoo galay website-ka ay ku daabacaan muuqaalada aan anshaxa aheyn.
Ugu dambeyntiina gabadhaan caannimadii ay ka heshay ficilkaas ee dhaliyay iney 2 Malyan iyo bar taageerayaal ah ku yeelato Instagram-ka waa lasoo afjaray maadaama cinwaankeeda hawada laga saaray.
GOOL FM