(Barcelona) 03 Oct 2019. Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa farta ku fiiqay halka ay daciif ka aheyd kooxdiisa Blaugrana, taasoo sababtay in Inter Milan ay hogaanka u qabato qeybta hore ciyaarta, kulnkii Champions League ee xalay ka dhacay garoonka Camp Nou.
Wiilasha Valverde ma aysan u suurtogalin inay gaaraan shabaqa kooxda Inter 45-tii daqiiqo ugu horeysay ee ciyaarta, kahor inta aysan 2 gool dhalinin qeybta labaad ee dheesha, taasoo u suurtogalisay in 2-1 kaga adkaadaan naadiga Nerazzurri, kulankoodii 2-aad GROUP F ee tartanka Champions League.
Ernesto Valverde ayaa kaddib ciyaarta wareysi uu ku bixiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay:
“Waxaan had iyo jeer isku daynaa inaan saxno xaalada oo aan isku dayno inaan xal u helno dhibaatooyinka aan wajaheyno, kulankii Inter marnaba ma aheyn mid fudud”.
“Inter Milan fursado badan ayey ku hor sameysay goolkeena qeybta hore ee ciyaarta, anagana aad ayaan kaga fogeen arrintaas oo ma aanan sameynin, waxaan u baaneen inaan in badan gudaha u galno xerada ganaaxa ee kooxda naga soo horjeeday, iyo taabashada ugu dambeysa inay noqoto mid aad u fiican, qodobadan ayaa ahaa waxa isbedelka ku sameeyay qeybta hore ee ciyaarta”.
“Laakiin qeybta nasashada kaddib waxaan saxanay qaladaadka jiray, waxaana noqonay kuwo ka fiicanaa Inter Milan, sidaas darteed barbaro ayaan galnay ugu dambeyntiina waan guuleysanay”.
“Waxaan la wareegnay qeybta dhexe ee garoonka, sababa la xiriira joogitaanka xiddigaha Sergio Busquets, Arthur Melo iyo Frenkie de Jong, waxaan u baahneyn kaliya inaan abuuno boosas lagu dhaqaaqi karo” ayuu hadalkiisa ku oo xiray tababare Ernesto Valverde.
Gool FM.