(Liverpool) 03 Okt 2019. Tababare Jurgen Klopp ayaa aaminsan in kooxdiisa Liverpool ay cashar muhiim ah ka baratay kulankii ay xalay kula ciyaareen naadiga Salzburg tartanka Champions League.
Kooxda kubadda cagta Liverpool oo ku ciyaareysay garoonkeeda Anfield ay waxay guul 4-3 ah kaga gaartay naadiga Salzburg kulankeeda labaad GROUP E ee tartanka Champions League., iyaddo ay goolasha kaga mahad celineyso xiddigaha Mane, Robertson, Saalax oo 2 gool ah.
Reds ayaa ku hormartay 3 gool qeybta hore ee dheesha, laakiin waxaa ku yimid hoos u dhac ku dhawaad saacad kaddib ciyaarta, taasoo u sahashay kooxda martida aheyd in dheesha ay ka dhigaan barbaro 3-3 ah, kahor inta uusan goolka 4-aad dhalinin Maxamed Saalax.
Haddaba ciyaarta kaddib macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa wuxuu warbaahinta la wadaagay:
“Waxaan u maleynayaa inaan ciyaarnay kubad guul leh oo xoogan 30-kii daqiiqo ugu horeysay qeybtii hore ee ciyaarta, kulankii aan la ciyaarnay koox abaabulan oo leh aqoonsi cad, laakiin waxaan sameynay dhamaan waxyaabihii aysan jeclayn”.
“Waxaa jirtay koox burburay kaddib markii laga dhaliyey 3 gool, laakiin ma aysan quusan, goolasha ay naga dhaliyeen, waxaan had iyo jeer kubadda ku luminay si fudud wixii dhacay cashar muhiim ah ayey noo ahaayeen”.
“Laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan helnay saddexda dhibcood, wax walbo ay ahaano waa inaan u jeesanaa arrimaha ay tahay in la wanaajiyo, si aan u soo kabano kahor kulanka Leicester City”.
“Waxaan hada heysanaa seddex maalmood si aan ugu diyaar garowno kulanka soo socda ee aan la ciyaareyno kooxda Leicester City, sidaas darteed waa inaan sameynaa diyaargarowyo kala duwan, waana inaan si dhaqso ah wax uga barnaa qaladaadkii aan sameynay kulankii xalay”.
Gool FM.