(Yurub) 03 Okt 2019. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday afarta ciyaaryahan ee isugu soo haray tartanka loogu jiro xiddiga ugu fiicanaa todobaadkan tartanka Champions League waxaana hoggaanka u haya Serge Gnabry.
Serge Gnabry oo afar gool dhaliyey kulamaddii xiisaha lahaa ee laga ciyaaray Champions League isbuucan waxaa liiskan ku wehliya Achraf Hakimi, Luis Suarez iyo Emmanuel Bonaventure oo dhammaantood min labo gool dhaliyey kulamadii ay ciyaareen.
Gnabry oo ah laacibka ugu cad-cad abaal-marintan waxa uu afar gool dhaliyey 88 daqiiqo gudahood waxaana uu ka dhaliyey Tottenham kulankii ay kooxdiisa Bayern Munich magaalada London ku xasuuqday Spurs.
Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez oo aan muddo dheer goolal ka dhalin Champions League ayaa kooxdisia ka caawiyey inay 2-1 soo laabasho ah ka gaarto Inter Milan oo marti u ahayd.
Da’yarka reer Morroco ee Hakimi waa midkii go’aamiyey kulankii ay Borussia Dortmund guusha kasoo gaartay kooxda Slavia Prague, maadaama lagu kala adkaaday labadii gool ee uu dhaliyay.
Dhinaca kale Weeraryahankii kooxda Club Brugge ee Emanneul Bonaventure kaasoo labo gool ka dhaliyey kulankii ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu ee ay la dheeleen Real Madrid isla markaana kooxda reer Spain ku sameeyey dabaal-deggii uu caanka ku ahaa Cristiano Ronaldo.
Gool FM.