Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Miralem Pjanić oo qiray riyadiisa ugu weyn uu doonayo inuu ku gaaro kooxda Juventus

$
0
0

(Turin) 09 Okt 2019. Xiddiga khadka dhexe kooxda Juventus ee Miralem Pjanić ayaa muujiyay sida ay ugu wanaagsan yihiin horyaalka Talyaaniga, kaddib guushii ay ka gaareen kulankii Derby d’Italia naadiga Inter Milan.

Miralem Pjanić ayaan meesha ka saarin in riyadiisa ugu weyn ay tahay in kooxda Juventus uu kula guuleysto tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Xiddiga khadka dhexe reer Bosnia ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay waxa uu ku riyoonayo inuu mar uun kula guuleysto kooxda Juventus mustaqbalka dhow:

“Waxaan si fiican uga badinay kooxda Inter Milan, waxaana ku guuleysanay inaan ku soo laabano hogaaminta horyaalka Talyaaniga, tan iyo maalinkii Axada, waxaan kaliya ku fikireynaa sida aan ku ilaashan laheyn”.

“Aragtideyda, waxaan nahay kooxda ugu fiican horyaalka Serie A, waana waxaan ku soo bandhignay garoonka San Siro”.

“Waxaan dooneynaa inaan isku dayno inaan ku guuleysano tartamada kala duwan aan qeybta ka nahay”.

“Laakiin tartanka UEFA Champions League waa riyadeyda shaqsiyadeed, waxaana rajeenayaa inaan kula guuleysto kooxda Juventus xilli ciyaareedkan”.

Miralem Pjanić oo Juventus kaga soo biiray kooxda AS Roma 2016-kii, ayaa kula guuleystay naadiga Bianconeri labo horyaal oo Serie A ah oo isku xigta, iyo 2 jeer oo Coppa Italia ah, Italian Super Cup oo jeer ah, iyadoo sidoo jale Juve uu la gaaray finalka Champions League sanadkii 2017-kii, laakiin waxay guuldaro 4-1 ah kala kulmeen naadiga Real Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles