(Liverpool) 15 Okt 2019. Xiddiga khadka dhexe kooxda Liverpool ee James Milner ayaa si xoogan u amaanay kabtanka naadiga Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi.
James Milner ayaa ka hadlay dareenkiisa kulamadii badnaa uu ku wajahay Lionel Messi tartanka UEFA Champions League, markii uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Manchester City iyo haatan uu ku sugan yahay Liverpool.
Haddaba James Milner ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu tallo ku siiyay qof walba ee ciyaar ku wajahaya Lionel Messi wuxuuna yiri:
“Messi wuxuu kugu qasbayaa inaad orodo inta aad awoodo ee suurtogalka ah, waa inay mar walba isku xirnaadaan labadaada lugood, sababtoo ah waxaad ku jirtaa halis xilli kasta ee aad wajaheyso Lionel Messi, waxaana macquul ah inaad u muuqato sida doqonka oo kale”.
“Guushii Liverpool ee Barcelona, waxay aheyd wadadii aan ugu guuleysanay tartanka UEFA Champions League, marka laga soo tago natiijada ciyaarta, Messi wuxuu labada kulanba kaga soo muuqday si cajiib ah”.
Gool FM.