Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mudnaanta koowaad ee kooxda Juventus, goolkiisii 700-aad & dhowr arrimood kale uu ka hadlay Cristiano Ronaldo

$
0
0

(Turin) 21 Oct 2019. Xiddiga xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa carabka ku adkeeyay sida uu u jecel yahay inuu kula guuleysto koobab wadareedka Juventus, isagoo dhinaca kale tilmaamay in abaal-marinada shaqsiyadeed uusan xiiseeneynin marka loo fiiriyo in kooxdiisa uu la qaado koobab.

Juventus ayaa habeen dambe Talaadada ah ku soo dhaweyn doonta Allianz Stadium kooxda Lokomotiv Moscow, si ay u wada ciyaaraan kulankooda saddexaad heerka groub-yada ee tartanka UEFA Champions League.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta habeen dambe ay ku wada ciyaari doonaan tartanka UEFA Champions League kooxda Lokomotiv Moscow wuxuuna yiri:

Cristiano Ronaldo was presented with a special Juventus shirt after his 700th career goal

“Kooxda waxaay leedahay kalsooni weyn, waxaan isku bedelnay sida ugu fiican, waxaan soo fiicnaaneynaa usbuucba usbuuc”.

“Sanad walba waxaan heysanaa tartan, waxaana u jeedkeena uu yahay inaan ku wada guuleysano dhamaan tartamada kala duwan, abaalmarinada kooxda waxay ka muhiimsanyihiin abaalmarinta shaqsiyadeed”.

“Kulanka barri ayaa ah waxa ugu muhiimsan, waa inaan guuleysanaa, kaddib waxaan arki doonaa marxalada soo aadan, xilli ciyaareedkan waxaan si weyn u ciyaareynaa kubadda cagta  ee weerar ah, aad ayaan u faraxsanahay sida cid kasta oo kale ee kooxda ka tirsan”.

“Waxaan runtii gaaray goolkeyga 700-aad, taasi waa wax aad u wanaagsan in la gaaro, laakiin waxa ugu muhiimsan ee xilligaan la joogo ayaa ah kooxda, waxaan doonayaa inaan ku caawiyo Juventus goolasheyda iyo baasaskeyga, si aan ugu guuleysano koobab”.

“Inaan guuleysano kulamada aan ciyaareyno iyo in naftayda ay raaxeysato ayaa ah waxa i farxad gelinaya, sidoo kale inaan aado guriga isla markaana aan arko carruurteyda, taasi waa waxa igu dhiiri gelinaya inaan sida ugu fiican  wax ugu qabto xagga tababarka iyo kulamada si ay u raaxeystaan  taageerayaasha”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles