Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Milner oo shaaca ka qaaday meesha ay ka liidato Liverpool kulamada Champions League ee xilli ciyaareedkan

$
0
0

(Liverpool) 22 Okt 2019. Xiddiga kooxda Liverpool ee James Milner oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay habeen dambe Arbacada ku wada ciyaari doonaan ciyaartooda saddexaad GROUP E ee tartanka Champions League naadiga Genk ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arrimood ee quseeya Reds

James Milner ayaa wuxuu kaga jawaabay shirka jaraa’id su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen suxufiyiinta goobta ku sugneyd, waxaana ka mid ahaa xaalada ay haatan kaga sugan tahay Liverpool heerka group-yada, sidoo kale mustaqbalkiisa kooxda Reds kaddib dhamaadk xilli ciyaareedkan.

James Milner ayaa wuxuu ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay:

“Barri waa ciyaar kale oo aad u adag ee muhiim ah sida dhammaan kulamadaa kale ee aan ciyaareyno, waan ka war qabnaa sida ay muhiim noogu tahay inaan guuleysano kulanka barri”.

James Milner ayaa wuxuu intaas kaddib ka warbixiyay meesha ay ka liidato Liverpool kulamada Champions League ee xilli ciyaareedkan wuxuuna yiri:

“Waan ognahay inaan dhowaan natiijooyin liita aan ku helnay meelaha ka baxsan garoonkeena tartanka Champions League, waa inaan shaqo fiican qabanaa waana inaan horumar sameyno kulanka berri”.

Intaas kaddib James Milner ayaa wuxuu ka jawaabay su’aal ku aadaneyd mustaqbalkiisa kooxda Liverpool wuxuuna yiri:

“Runtii ma aqaano inay jireen wadahadalo waxaanan rajaynayaa in dhawaan uu xal imaan doono, haatan waxaan rabaa inaan ku raaxeysto kubbadda cagta”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles