Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Ma jirto cid noqon karta bedelka Hazard” – Lampard

$
0
0

(London) 22 Okt 2019. Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in xiddigii hore Blues ee Eden Hazard aysan jirin cid buuxin karta booskii uu kaga baxay.

Xiddiga reer Belguim ayaa ka tagay garoonka Stamford Bridge inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ee xagaagii si uu ugu biiro kooxdiisa haatan ee Real Madrid.

Haddaba Frank Lampard ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka habeen dambe ay ku wada ciyaari doonaan kooxda Ajax tartanka Champions League wuxuu ku sheegay inaan la buuxin karin booska Hazard wuxuuna yiri:

“Hazard looguma bedeli karo ciyaaryahan kale, marka loo fiiriyo wax qabadkiisa kooxda”.

“Marka wey adkaan doontaa in la buuxiyo booskii uu ka baxay, taasi waa wax aan macquul aheyn”.

“Laakiin koox ahaan, waxaan heli karnaa wado, waxaan rajeyneynaa inaan taas ka shaqeyno”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles