Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tababare Valverde oo ammaanay guusha cusub Lionel Messi ee tartanka Champions League

$
0
0

(Barcelona) 24 Okt 2019. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa amaanay awooda ciyaareed ee Lionel Messi, kaddib guushii ay xalay kaga gaareen kooxda reer Czech ee Slavia Prague kulankooda saddexaad ee wareega group-yada tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, kulankii xalay ka dhacay dalka Czech, kaasoo ay naadiga reer Catalonia ay ku adkaatay 1-2.

Lionel Messi ayaa ku kordhiyay magaca Slavia Prague liiska kooxaha uu goolasha kaga dhaliyay tartanka xiisaha badan ee Champions League, kaddib kulankii ay xalay wada ciyaareen, waxayna guud ahaan gaarayaan 33 kooxood, wuxuuna rikoorkan ka soo barbareeyay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Raul Gonzalez waayahoodii kooxda Real Madrid.

Messi ayaa kooxdiisa Barcelona hogaanka u dhiibay daqiiqadii isla daqiiqadii 3-aad ee bilawga ciyaarta, taasoo ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Champions League gool ka dhaliyay muddo 15 xilli ciyaareed oo isku xigta, waana guul kale cusub uu gaaray xirfadiisa kubadda cagta.

Haddaba ciyaarta kaddib tababare Ernesto Valverde ayaa amaanay kala dul dhacay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Messi waa ciyaariyahan wax ka badali kara kulan kasta, rikoorrada Messi waa cajiib waana wax fudud in la yiraahdo waxay u muuqdaan wax iska caadi ah, laakiin aad ayey u adag tahay in la gaaro”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles