(Europe) 25 Okt 2019. Waxaa lagu dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray tartanka xiisaha badan ee Champions League.
Xiddiga kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray tartanka Champions League, kaddib bandhigii fiicnaa uu ku hor sameeyay naadiga Atlanta.
Weeraryahanka reer England ayaa gacan ka geystay dhammaan shantii gool ee kooxdiisa Sky blue, ay ka dhalisay naadiga reer Talyaani ee Atlanta inta lagu gudi jiray ciyaartooda saddexaad heerka group-yada ee tartanka Champions League .
Raheem Sterling ayaa dhaliyay saddexleey kulankii ay 5-1 kaga adkaadeen kooxda Atlanta, sidoo kale wuxuu caawiyay gool, xilli uu sabab u noqday rigooradii ay heshay Manchester City, kaasoo uu gool u badalay Sergio Aguero.
Laacibka reer England ee Raheem Sterling ayaa abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray Champions League, wuxuu ku garaacay xiddigaha Kylian Mbappé, Paulo Dybala iyo Alex Oxlade-Chamberlain.
Gool FM.