(Barcelona) 25 Okt 2019. Goolhaayaha reer Germany ee Ter Stegen ayaa hal arrin kaga digay kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkan.
Ter Stegen ayaa kaga digay kooxdiisa Barcelona in markale ay la kulanto guuldarooyinkii niyadjabjka ahaa ee ka soo gaartay kooxaha Roma iyo Liverpool tartanka Champions League, labaddii xilli ciyaareed lasoo dhaafay.
Goolhaayaha kooxda Barcelona ayaa wareysi uu ku bixiyay majalada “11 Freunde” ee dalka Germany ayaa wuxuu ku sheegay:
“Guuldarrooyinkii Roma iyo Liverpool kuma aysan imaanin qalad shaqsiyadeed ama mid taatiko ahaan, laakiin waxaa loo aaneenayaa arrimo nafsi ah ee dhanka ciyaartoyda”.
“Waligey ma dhihi doono, tani oo kale markale naguma dhici doonto tartanka Champions League”.
Ter Stegen wuxuu carabka ku adkeeyay inuu jecel yahay inuu soo bandhigo wax walba uu awoodo ee looga baahan yahay kooxda Barcelona, isagoo dhinaca kale tilmaamay in koobabka uu ku guuleystay uu waligiis xasuusnaan doono.
Gool FM.