Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Messi oo ka hadlay goolashiisa ugu quruxda badanaa xirfadiisa kubadda cagta iyo kooxihii uu ka dhaliyay

$
0
0

(Barcelona) 27 Okt 2019. Kabtanka xulka qaaranka Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu kaga hadlay goolashiisa ugu quruxda badan xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta iyo kooxihii uu ka dhaliyay.

Lionel Messi ayaa si cad u sheegay in goolashiisa ugu quruxda badan uu ka dhaliyay tartanka UEFA Champions League, gaar ahaan kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Bayern Munich.

Messi oo ka hadlayay goolashiisa ugu quruxda badan xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta ayaa wuxuuna yiri:

“Midka ugu quruxda badan goolasheyda? waxaan had iyo jeer doortaa goolkeyga madaxa ahaa kulankii Manchester United ee finalkii Roma, sababtoo ah micno ayeey inoo leedahay, waxaan ku guuleysanay saddexleyda taariikhiga ah”

“Waxaa xiga goolkii aan Real Madrid kaga dhaliyay wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Champions League, micna ahaan muhiimada uu kulankaas lahaa”.

“Goolkeyga saddexaad ee ugu quruxda badanaa wuxuu ahaa goolkii aan ka dhaliyay Bayern Munich iyo goosmadii aan ku sameeyay Jérôme Boateng”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles