Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Joel Matip oo seegi doona kulanka Man City xilli la sii ogaaday mudada uu garoomada ka maqnaanayo

$
0
0

(Liverpool) 29 Okt 2019. Joel Matip ayaa wajahaya lix todobaad oo uu garoomada kaga maqnaanayo dhaawac dhanka jilibka ah, iyadoo xitaa la soo warinayo inuu seegi doono kulanka ay ka horjeedaan bisha dambe Manchester City ee Premier League.

Jariiradda Standard ayaa warinaysa Joel Matip uu ballaarin doono maqnaanshihiisa ka soo kabashada dhaawaca jilibka ah.

Daafacan ayaa ka soo muuqday mid ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Liverpool waana kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Manchester United ciyaartaasoo dhacday 20 bishan October.

Ka maqnaanshihiisa labada kulan ee ka hor booqashadaas garoonka Old Traffrod ayuu dib ugu laabtay dhaawacii jilibka ka soo gaadhay kulankii Sheffield United.

Shabakadda Standard Sport waxa ay fahamsan tahay in Matip uu garoomada ka maqnaan karo muddo lix isbuuc ah.

Taasi waxay meesha ka saari doontaa inuu 28-sano jirkaan ka soo maqnaado illaa iyo 10 kulan oo ay ku jiraan booqashada Manchester City ee Anfield iyo dhammaan saddexda kulan ee ka hartay heerka Guruubyada Champions League.

Manchester City ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay booqanaysaa kooxda Liverpool 10 bisha November ee soo aaddan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles