Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Liverpool oo guul gaartay, Chelsea oo taako loo dhigay & dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray Champions League… +SAWIRRO

$
0
0

(Eroupe) 06 Nof 2019. Waxaa caawa la ciyaaray kulamda afaraad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Liverpool, Chelsea Iyo Inter Milan.

Kooda Liverpool ayaa guul ka gaartay naadiga Genk oo marti ku aheyd garoonka Anfield, kaddib markii ay ku garaacday 2-1, ciyaar ka tirsanaa kulamada afaraad ee tartanka Champions League, iyadoo ay Reds goolasha u kala dhaliyeen xiddigaha Georginio Wijnaldum iyo Alex Oxlade-Chamberlain

Dhinaca kale Kooxda reer Holland ee Ajax ayaa taako u dhigtay naadiga ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chalsea oo ku ciyaareysay garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 4-4 ah, goolasha Blues waxaa u kala dhaliyay Jorginho oo 2 gool ah, Reece James iyo Cesar Azpilicueta.

Si la mid ah kooxda Borussia Dortmund ayaa guul soo laabasho ee cajiib ah ka gaartay naadiga reer Talyaani ee Inter Milan, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii afaraad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP E

Liverpool 2 – 1 Genk

Napoli 1 – 1 Salzburg

GROUP F

Barcelona 0 – 0 Slavia Prague

Borussia Dortmund 3 – 2 Inter

GROUP G

Zenit St. Petersburg 1 – 2 RasenBallsport Leipzig

Lyon 3 – 1 Benfica

GROUP H

Chelsea 4 – 4 Ajax

Valencia 4 – 1 Lille

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles