Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Juventus oo si dirqi ah kaga soo adkaatay kooxda Lokomotiv Moscow oo ay booqatay… +SAWIRRO

$
0
0

(Moscow) 06 Nof 2019. Juventus ayaa si dirqi ah kaga soo adkaatay kooda Lokomotiv Moscow oo ay ku booqatay garoonkeeda RZD Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada afaraad heerka group-yada ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta kooxda Juventus ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Weles ee Aaron Ramsey

Daqiiqadii 12-aad kooxda Lokomotiv Moscow ayaa la timid goolka barbaraha waxaana dheesha 1-1 ka dhigay laacibkooda Aleksey Miranchuk.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad Juventus ayaa markale hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 dheesha ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gonzalo Higuain

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles