Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Real Madrid oo guul weyn gaartay Man City oo taako loo dhigay & dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray Champions League… +SAWIRRO

$
0
0

(Eroupe) 07 Nof 2019. Waxaa caawa la ciyaaray kulamda afaraad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Real Madrid, Manchester City PSG.

Real Madrid ayaa guul raaxo leh kaga gaartay garoonkeeda Santiago Bernabeu kooxda reer Turky ee Galatasaray kaddib markii ay kaga adkaatay 6-0, iyadoo goolasha Los Blancos ay u kala dhaliyeen 3 gool Rodrygo ah, Karim Benzema 2 gool ah iyo Sergio Ramos.

Dhinaca Manchester City ayaa barbaro la soo gashay kooxda Atalanta oo ay booqatay, waxayna ku kala baxeen 1-1, goolka Skay Blue waxaa u dhaliyay Raheem Sterling

.Tottenham Hotspur ayaa dhankeeda 0-4 kaga soo adkaatay kooxda FK Crvena Zvezda oo ay booqatay, naadiga Spurs-ka waxaa goolashan u kala dhaliyay xiddigaheeda Giovani Lo Celso, Christian Eriksen iyo Heung-Min Son oo 2 gool ah.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii afaraad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP A

Paris Saint-Germain 1 – 0 Club Brugge

Real Madrid 6 – 0 Galatasaray

GROUP B

FC Bayern München 2 – 0 Olympiacos

FK Crvena Zvezda 0 – 4 Tottenham Hotspur

GROUP C

Atalanta 1 – 1 Manchester City

Dinamo Zagreb 3 – 3 Shakhtar Donetsk

GROUP D

Lokomotiv Moscow 1 – 2 Juventus

Bayer Leverkusen 2 – 1 Atletico Madrid

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles