Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Taam ahaanshaha Neymar Jr waxay noqon doontaa ciyaar ku adag kooxda Real Madrid” – xiddig ka tirsan Los Blancos

$
0
0

(Madrid) 25 Nof 2019. Real Madrid ayaa isku diyaarineysa kulanka ay habeen dambe ku soo dhaweyn doonto kooxda Paris Saint – Germain garoonka Santiago Bernabeu, si ay u wada ciyaaraan kulankooda 5-aad wareega group-yada tartanka Champions League, kaddib guuldarradii 3-0 aheyd ay kala soo laabteen garoonka Parc des Princes.

Goolhaayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa sheegay in haddii uu Neymar Jr qeyb ka noqdo safka naadiga Paris Saint – Germain kulanka Champions League ay habeen dambe ku wada ciyaari doonaan garoonka Santiago Bernabeu, ay ciyaarta ku adkaan doono kooxdiisa Los Blancos .

Thibaut Courtois ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay ciyaarta habeen dambe ay kooxda PSG ku wada ciyaari doonaan garoonka Bernabeu wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa ciyaartoy leh awooda sida Neymar oo kale, in xilli kasta ay ku jiri karaan xaalad wanaagsan, tayada uu leeyahay waxay ciyaarta ka dhigi doontaa mid aad noogu adag anaga ahaan, waa inaan ka shaqeynaa sida aan ku joojin laheyn isaga”.

“Waxaan ugu diyaargaroobaa dhamaan kulamada si isku mid ah, mana ka fikirayo tayada Neymar Jr ama Kylian Mbappé, dabcan labadoodaba waxay leeyihiin awooda ay goolal ku dhalin karaan maxaa yeelay waa kuwa ugu fiican adduunka, laakiin waa inaan diyaar u noqdaa wax walba, markasta” ayuu yiri Thibaut Courtois.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles