(Turin) 26 Nof 2019. Kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid ayaa wada ciyaari doona caawa kulan ka tirsan heerka Guruubyada Champions League, weliba qeybta D oo ay ku wada jiraan.
Atletico Madrid ayaana eegeysa inay kula biirto Juventus u soo bixitaanka wareegga 16-ka Champions League, marka ay kooxda reer Spain u safreyso caawa Magaalada Turin.
Juve ayaa horay u jaratay tikidhkeeda wareegga xiga ee 16-ka koobka horyaallada Yurub kaddib markii ay uruursadeen 10-dhibcood afartoodii kulan oo ay ciyaareen ka hor kulanka caawa, halka Atletico haddii ay guul gaarto kulankan ay iska xaadirin karto wareegga 16-ka Champions League.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA Champions League
Taariikhda: Talaado, 26 Nof 2019
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garsooraha: Anthony Taylor (England)
Garoonka: Allianz Stadium
Wararka Kooxaha:-
Macallinka Kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa nasiino siiyey Cristiano Ronaldo todobaadkan, waxaana uu diyaar u yahay inuu ku soo bilowdo safka hore kulanka caawa ay la leeyihiin Atletico Madrid.
Federico Bernardeschi kaasoo laga saaray garoonka qeybtii hore kulankii ay Sabtidii 3-1 uga adkaadeen Atalanta ayaan ciyaari doonin kulankan.
Tababare Sarri ayaa rajaynaya in Alex Sandro uu taam u noqon doono kulankan kaddib markii xiddigan reer Brazil uu dhaawac ku seegay kulankii Atalanta, halka Juan Cuadrado uu dib uga soo laaban doono ganaaxii ka saarnaa tartammada Yurub.
Aaron Ramsey ama Rodrigo Bentancur ayaa Bernardeschi ka bedeli doona safka hore kulanka caawa, halka Paulo Dybala iyo Gonzalo Higuain ay ku tartami doonaan midkii ku soo bilaaban lahaa afka hore ee weerarka Juve.
Blaise Matuidi oo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Sabtidii ayaa dib ugu soo laaban doona booska khadka dhexe kulankan, waxaana uu ka maqnaan doonaa kooxdiisa Juventus kulanka ugu dambeeya ee heerka guruubyada Champions League haddii uu kaarka digniinta ah qaato ciyaarta ay ka horjeedaan caawa Atletico.
Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid waxaa dib ugu soo laaban doona Thomas Partey iyo Saul Niguez kaddib markii ay ganaaxyo ku seegeen kulankii Sabtidii ay barbaro 1-1 ah la galeen Granada.
Felipe iyo Mario Hermoso ayaa sii wadi doona inay ka ciyaaraan daafaca dhexe, iyadoo Jose Gimenez uu ku guuldarreysatay inay ka soo kabsado dhaawac uu la dhibtoonayo.
Joao Felix oo ka soo laabtay dhaawac uu la maqnaa todobaadkan kaddib markii uu seegay lix kulan ayay u badan tahay inuu ku soo bilaaban doono safka hore ee Atletico kulanka ay ka horjeedaan Juventus.
Kieran Trippier ayaa qalad ku lahaa goolkii ay Granada ka dhalisay kooxdiisa Atletico Madrid todobaadkan, waxaana booska garabka midig ee daafaca ka bedeli kara Santiago Arias.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Juventus ayaa guuleysatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka UEFA Champions League.
>- Kooxda Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay UEFA Champions League.
>- Kulankii hore ee labadan kooxood Atletico iyo Juve ku dhexmaray dalka Spain ayaa ku soo dhammaaday barbaro 2-2.
Shaxda Macquulka ee labada koox:-
Gool FM.